MAGOOL PUBLISHING

Hal-abuurkaaga, Daabacaaddayada.

Guudmar

Shirkadda Magool waa shirkad daabacaadeed oo ka howlgasha Geeska Afrika. Magool waxay buuxinaysaa baahida la xidhiidha buuggaga ee ka jirta geyiga Soomaalida: daabacaad, tifaftir iyo nashqadayn. Shirkaddu waxay bixinaysaa adeeg daabacaadeed oo tayaysan, degdeg ah, la iskuna hallayn karo oo raalligelinaya qoraayada Soomaaliyeed iyo akhristayaashoodaba. Waxay taageeraysaa qoraayaada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo buug daabacanaysa. Waxayna adeeg la talin oo dhammaystiran siinaysaa qoraayada Soomaaliyeed ee doonaya inay qoraan ama daabacaan buugaag. Xirfadlayaal iyo qoraayo waaya’aragnimo, gaar ah u leh daabacaadda buugagga iyo qoraalka ayaa ka hawlgala. Yoolkooda koowaadina, waa hagaajinta iyo tayaynta daabacaadda buugagga Soomaalida.

HIIGSI

Magool waxay higsanaysaa inay noqoto hormuudka Shirkadaha daabacaadda buugaagta ee Geeska Afrika

ADEEGYADA SHIRKADDA

New Project-2

Daabacaadda Buuggaga

Waxaan bixinaa adeeg daabacadeed oo dhamaystiran, laga bilaabo daabacaadda buugga ilaa suuq-geyntiisa.

Tafaftir

Adeeg tafaftir oo ay bixinayaan xirfadlayaal iyo qoraayo leh waayo-aragnimo.

Naqshadayn

Adeeg naqshadeyn oo ka kooban naqshadeynta iyo qaabaynta buugga, iyadoo ay soo qabanqaabiyaan xirfadlayaal khibrad leh.

Latalin

Adeeg la-talin oo dhammaystiran ayaan siinaynaa qoraayadda Soomaaliyeed ee doonaya inay qoraan ama daabacaan buuggaag.

Mabda'yada Shirkadda

Magool Publishing waxay u taagantahay

Tayo

Ammaano

Degdeg